Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Hirsheelle oo Alshabaab kala dagtay baabuur uu saarnaa

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle ayaa Saaka oo Axad ah lagu af-duubtay jidka u dhexeeya Magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar xilli uu ku sii jeeday dhinaca Muqdisho.

Xildhibaanka oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Siyaad  ayaa dableey hubaysan kala degtay gaari uu saarnaa oo ka yimid dhinaca Magaalada Jowhar isagoo marayay nawaaxiga Degaanka Gololey ee Gobolka Shabeellada dhexe.

Kooxda hubaysan oo looga shakisanyahay in ay ka tirsan yihiin malayshiyaadka Al-shabaab ayaa xildhibaanka kala degay gaari nooca NOAH-da oo uu saarnaa balse waxay fasaxeen dhammaan Rakaabkii kale.

Wararka qaar ay heshay warbaahinta maxaliga ayaa sheegaya in Al-shabaab ay dileen xildhibaanka.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Hirshabelle.

Wixii ku soo kordha la soco