Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Deeganka Dagmada Saaxo ayaa goordhaw la dilay ka dib markii weerar Jid-gal ah oo dhacay Deeganka LABA-GALLE ee Gobalka Galgaduud lagu beegsay.
Xildhibaan Xasan Cabdi Guuleed ayaa u dhintay dhaawaca ka soo gaaray weerarka. Inkastaa oo weerarku ka dhacay Gobolka Galggadduud ee hoosyimaada Dowlad Goboleedka Galmudug hadana xildhibaanka waxa uu katirsnaa xisbiga Mideeye ee Gobolka Mudug. Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay dilka Xildhibaanka
Qaar kamida dadka deegaanka oo aan qadka taleefanka kula hadalnay ayaa sheegaya in dilka ay geeysteen maleeshiyaad ka soo jeeda degmada Cadaado. Ma cada in dableeyda geeysatay dilka ay yihiin koox ka tirsan ururka Al Shabaab am maleeshiyo beeleed.