Xildhibaan Faarax Maxamed Dalmar oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland ayaa saaka shaaciyay in uu is casilay. Qoraal kooban oo uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay in uu iska casilay xubinnimada Baarlamanka Puntland.
Xildhibaanka ayaa sheegay in uu la dareen yahay shacabkiisa Reer Sool oo Puntland ku fashilantay in ay xorayso. ” Waan iska casilay xilkii xildhibaanimo ee Puntland waxaan la dareen ahay shacabkayga” ayuu yiri xildhibaanka.
Hadalkiisa ayaa ku soo beegmay xilli xalay shacab hubaysan ay Laascaanood ka saareen ciidamada Somaliland.