Xildhibaan Ka Tirsan Hirshabeele oo Dowlada Ku Edeyay Wax Ka Qabasha La’aanta Fatahadaha Baladweyne

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Cabdiraxmaan Muxumed Guure oo ka mid ah xildhibaannada Hir-Shabeelle ayaa ka hadlay xaalada fatahaada maalmahaan dambe ka jirtay Magalada Baladweyne taas oo sababtay in badi dadkii ku noolaa Baladweyne ay barakaceyn.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Maamulka hir-Shabeelle aysan awood u laheyn in ay wax u qabtaan dadka fatahaada ay saameysay.

“Maamulka Hir-Shabeelle waa magac u yaala waxqabad malaha waxana idin sheegayaa waxqabadku waa dhaqaale laakin Hir-Shabeelle majirto wax canshuur ah ay qaado iyo cid dibadaha iyo Caalamka uga yimaado sidaas darteed waxba uma qaban karto dadka ka barakacay fatahaada”

dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Calaamka ayu ugu baaqay in gurmad bani’aadanimo ay la soo gaaraan dadka ka cararay fatahaada Wabiga Shabeelle ee Magalada Baladweyne.