Xildhibaan ka tirsan Golaha W. Somaliland oo lagu dhex weeraray Hargeysa

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Jamaal Aadan Diiriye, oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa dhaawac  dhinaca sanka ah soo gaaray, dhaawacaasi oo ay u gaysteen koox uu burcad ku tilmaamay kuwaas oo Hargeysa dhexdeeda ku weeraray.

“Waxa uu dhawac fudud iga soo gaadhay burcad abaabulan oo igu soo qaaday weerar aniga oo ku guda jira shaqo maalmeedkaygii, Ilaahay ayaa mad iska leh waa aan fiicanahay, nimankii falkaas gaystay waxa ay ku jiraan gacanta ciidanka booliska , cidda ka danbaysa iyo waxa ay yihiin waxa ay kasoo bixi doontaa baadhitaanka ciidanka . 

“Waxa kale oo ay waxyeelo u gaysteen gaarigii aan watay oo isna qaba xooga wqxyeelo ah.”ayuu yiri xildhibaanku. Xukuumada Somaliland iyo ciidanka Booliskuba kama ay hadal weerarkan lagu dhaawacay xildhibaanka.