Xildhibaanka Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo kamid ahaa Mudanayaashii waday Mooshinkii ka dhanka ahaa Afhayeenkii Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ee Kolkii dambe is casilay.
Shaqsiga Xilkaan isku soo taagi karo waxa uu ku sheegay in shuruud ahaan ay hor taallo in uu kamid yahay Golaha Shacabka, sidoo kalana uu kasoo jeedo Beesha Xildhibaan Jawaari.
Waxa uu shegay in awood qeybsiga lagu kala qaatay Hay’adaha Dowladda lagu qeybin doono, kaliyana Xilka looga wareejin karo kolka ay ku heshii waayaan.
Shaqsiyaadka isku hayo Xilalka Hay’adaha Fulinta iyo Xeer dejinta ayuu ku sheegay in ay yaraadeen, taasina ay sababtay in Xukuumadda ay keento dad ka banaanka ah Golaha Shacabka.
Caqabadaha ugu weyn ee horyaalla Xukuumadda waxa uu ku tilmaamay in ay yihiin Wasiirada, Wasiiro ku xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha oo 90% laga keenay Banaanka, dhaliilaha loo jeedinaya ay wali taagan yihiin.