Xildhibaan Jeesoow”Qaraxa gaarigeeyga lagusoo xiray waa uu ahaa mid lasoo qorsheeyay!

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow oo duhurnimadii maanta ka badbaaday qarax gaarigiisa loogu xiray ayaa warbaahinta kaga warbixyay sida uu qaraxaasi u dhacay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in qaraxaasi lala damacsanaa in lagu qaarajiyo balse uu ka badbaaday maadama xiliga uu qaraxa dhacay uusan saarneyn gaariga, waxa uuna sheegay in qaraxaaasi uu ahaa mid weyn balse gaarigu uusan khasaaro sidaas u badan uusan soo gaarin.

Waxa uu sheegay in garaxa uusan aheyn mid mar sii horeysay lagu xiray gaariga balse uu ahaa qarax loogu dhajiyay gaariga inta uu xildhibaanka uu ka maqnaa gaariga uuna ku dhaawacmay daroowalka gaariga u waday.

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesoow ayaa saraakiisha amaanka Magaalada Muqdisho ugu mahadceliyay sida ay ugu soo gurmadeyn isagoo sheegay in amaankiisa ay sugeyn gaarigiisana ay goobta ka qaadeyn.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!