Xildhibaan Ilhaan Cumar oo u Jawaabtay Madaxweyne Donald Trump

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo kamid ah Xildhibaanadda Kongereeska Mareykanka ayaa ka jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka ee ku aadanaa in ay iscasisho Xubinimadii Guddiga Arrimaha Congareeska Mareykanka.

Barta twitterka ay ku leedahay ay soo dhigtay jawaabta ay ka bixisay hadalkii Trump ee ku aadanaa in ay iska casisho xubinimadii Guddiga Arrimaha Congareeska mareykanka.

Weligaa waxaad ku socotey nacayb ka dhan Yuhuudda, Muslimiinta, dadka asaliga ah, soo galootiga, dadka madowga ah iyo in kale. Anigu wax baan ka bartay dadkii uu warkaygu saameeyay. adigu goorma ayaad baran doontaa?” ayay Twitter-ka kusoo qortay Ilhaan Cumar.

Ilhaan Cumar ayaa Todobaadkaan lagu eedeeyay in ereyo Naceyb ah ay u adeegsatay Maamulka Yuhuuda,inkastoo raaligalin ay ka bixisay,

Dhanka kale Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ilhan Cumar oo ka mid ah xisbiga Dimuqraadiga kana mid ah Aqalka Senatka ay is casisho sababo la xiriira ereyo Yuhuud naceyb ah oo ay ku qortay boggeeda Twitterka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here