Xildhibaan Geelle”Yeed 1972 ayaa degmo laga dhigay Shariif kama Aqbaleeyno in uu Xaquuqda Duudsiiyo”

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Maxamed Jaamac Mursal Geele oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka soomaaliya ayaa ka hadlay Gudoomiye Degmo oo u magacaabay Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya sida ay shaaciyen qaar kami ah xildhibanada laga soo dortay Gobalka Bakool ee baarlamaanka soomaaliya.

Maxamed Jaamac Mursal Geelle ayaa shegay in Maamulka Koonfur Galbed u magacaabay gudoomiye Degmo balse usan magacaabin Degmo taas u baahan in lasaxo warka ay shegeen qaar kamid ah xildhibanaada baarlamaanka ee kaso jeda Koonfur Galbed oo ka qeyb galay barnaamij ka baxay Tv-universal.

“Waxa ogtihiin in gobalka bakool ay magaalo madaxdiisu tahay Xudur isla markaana u soo maray marxalada kala duwan taas oo ay qeyb ka tahay markii u jiray degaalkii itoobiya iyo soomaaliya oo degmooyinkii xadka ku yiilay laga soo warejiyey xarumihii ay ku shaqeynayen balse aan degmo loo magacaabin xarumihii sida kumeel gaarka ahaa ugu shaqeynayen” ayuu yiri xildhibaan Geelle.

Xildhibaan Geelle ayaa shegay in Degmada Yeeg ee Gobalka Bakool la magacaabay sanadkii 1972-dii waxana gudoomiye degmo kasoo noqday aabihiis oo kala waregay faarax cawid taas oo muujineyso in degmada ay ka mid tahay degmooyinka qadiimiga ah.