Xildhibaan Fiqi “Madaxweyne Farmaajo Haka Hadlo Xiisada Dalka Ama Hano Sheego In Uu Dalka Xukumin”

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ku shiray Muqdisho,kuwaas oo ka soo horjeeda mooshinka laga gudbiyey gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaan Axmed Macalin fiqi oo u hadlayay xildhibaanada ayaa Waxa uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed mudo 5 cisho ah Waqtiga laga dhumiyey laakin aan waxba ku soo kordhin,kadib markii Madaxweyne farmaajo uu indhaha ka fureystay xiisada taagan.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya in waxa uu doono uu sameysanayo isaga oo sheegtay in uu yahay kusimaha gudoomiyaha Golaha Shacabka,taas bedelkeedana laga doonayo Madaxweyne Farmaajo in uu amar deg deg ah bixiyo hadii uu dalka Madaxweyne ka yahay.

Madaxweyne Farmaajo aya kaliya ila hada ku eg in uu hakiyay kulankii bilowgi todobadkan ka dhici laha xarunta Golaha Shacabka iyado usan weli xal rasmi ah keenin dhaliilo xoogana uu kala kulmay madaxdi hore ee dalka iyo beesha caalamka.