Xildhibaan Fiqi iyo Gudoomiye Yariisoow oo weerar culus isku dhaafsaday Facebook-ga (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Dagaal u dhaxeeya guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Injineer Cabdiraxmaan Yariisow iyo xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa mar kale maanta ka qarxay baraha bulshada.

Markii ay soo baxday in Hanti Dhowraha Qaranka uu xayiray Akoonadii Maamulka Gobolka Banaadir isla markaasna lagu eedeeyey Gobolka Banaadir inuu diiday in baaritaan lagu sameeyeo ayaa waxaa arrintaas kasoo hadlay Xildhibaan Fiqi, waxayna aheyd bilowga dagaalka ka dhex qarxay labadaan mas’uul.

Fiqi oo weerarka billaabay ayaa facebook soo dhigay:

“Canshuurta Magaalada MUQDISHO intii ay jeeb xun geli lahayd ama si xun loo adeegsan lahaa, ama minishiibiyada qorayaha loo dhiibay ay hal dollar keen qof ku dili lahaayeen, mar haddii la diiday isla xisaabtankii iyo daahfurnaantii, inta isla xisaabtanku uu dhamaanayo walba shacabka xoolahooda haloo baajiyo.

Tallaabada uu hantidhowruhu qaaday dadka MUQDISHO waa Soo dhoweynayaan, ciddii diida isla xisaabtanna waxaa la leeyahay “wax la qariyo qurun baa ku jira”.

Guddoomiyaha Gobolku waa inuu ogolaadaa isla xisaabtanka iyo xisaab celinta, maadaama uu yahay Guddoomiye Villa Somalia laga Soo magacaabo, wax cudurdaar uma helayo canshuurta uu shacabka Xamar ka aruuriyo inaan lagu xisaabin.”

Waxaa kadib weerar duco ku dhammaaday kusoo jawaabay Yariisow oo yiri:

“Waxaa nasiib daro ah in Xildhibaan Ahmed Moallim Fiqi uu yiraahdo waxaa lagu noqonayaa 1991dii, halka aan annagana u taaganahay horumarka dalka oo aan dhalinyarada u diyaarineyno mustaqbal wanaagsan oo leh Nabad iyo Nolol. Fiqi Alle ha noo hanuuniyo si uu xaqa iyo horumarka dalka u arko. AAMIIN”