Xildhibaan Dhalxa “Dowladan Waxay Dayacday Odayaasha So Xulay Ergoyinka Ka Qeybgalay Dorashadi Dalka Ka Dhacday”

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya ayaa dowladda federaalka ah ugu baaqay in ay Hub sharci ah oo ay isku difaacaan siiso 135ta Oday ee soo xulay Ergadii ka qeybgashay doorashadii ka dhacday Dalka.

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in Odayaasha ay bartilmaameed u yihiin Al-shabaab loona baahanyahay in la hubeeyo maaddaama ay weerarro kala kulmaan Xarakada Al-shabaab.

Xildhibaan Dhalxa ayaa sheegay in Dowladdii ka horreysay dowladda hadda jirta ay Baskoolado siisay Odayaasha islamarkaana mushaar ka qaadan jireen Wasaaradda arrimaha gudaha.

Dowladda hadda jirta ayuu ku dhaliilay in aysan kor iska saarin xilka ka saaran Odayaasha,waxaana uu sheegay in mooshin arrintaas ku saabsan ay u gudbinayaan golaha shacabka Soomaaliya.