Xildhibaan Dhakool oo Gacmaha ka xiran oo Maxkamad la horgeeyay

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Xildhibaanada Somaliland oo labada gacmood xiran ayaa maanta la horgeeyay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex.

Cabdi Qawdhan Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka maroodi-jeex , ayaa diiday in uu furo gal dacwadeedka arrinta loo haysto xildhibaanka, maadaama xildhibaanka aan wali laga qaadin Xasaanadda.

Guddoomiyaha ayaa ku dooday in aannu jirin sharci u ogolaanaya in uu Maxkamadeeyo xildhibaan aan golihiisu xasaanadda ka qaadin.

Ciidamada Booliska ayaa dib ugu celiyay xildhibaanka xarunta CID-da oo uu ku xiran yahay.

Xildhibaan Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa ka soo horjeestay xuska maalinta 18 May oo uu ku tilmaamay maalin madow, kadibna ciidamada ayaa xiray.