Xildhibaan Dalxa”Guddoomiye Mursal ayaa diiday inaan k ahadlno Xaaladaha amni xumo ee dalka”

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa ka hadlay dilalka ka dhacaya Magaalada Muqdisho ,isagoona sigaara kaga hadlay dilikii loo geestay Axmed Dowlo oo ahaa nin Geerashle ah oo lagu dilay xaafada Towfiiq ee degmada yaaqshiid.

Xildhibaan Dalxa ayaa sheegay in dhacdooyinaka ka dhacay degmooyinka Gobolka Bnaadir ee lagu dilay dad shacab ah dhamaantooda ay ahaayen kuwa aad u foolxun, waxuuna sigaara kaga hadlay labo dhacdo oo aad dadka soomaaliyeed kaag  argagaxen.

Xildhibaanka ayaa ka hadlay dil loo geeestay Axmed dowlo oo ahaa mid aad looga xumaado, waxuu sheegay in ay qaladtahy in qof Muslim ah ladilo hadana lagubo,.

Sidookale Xildhibaanka ayaa ka hadlay dhacdadii maalintii Jimcaha aheed ka dhacday Jamacada Soomaaliya (Uniiso) taasi oo lagu dilay haweney ka mid aheed ardayda dhiganeesay Jamacadaasi oo lagu dhex dulay fasalka ay wax ku baraneesay, waxuuna sheegay in wax laga argagaxo ay tahay in dilkii uu gaaray  goobaha waxbarashada.

Dhanka kale Xildhibaan Maxamed cumar Dalxa ayaa eedeyn ujeediyay guddoomiyaha Golaha shacabka, waxuuna tilmaamay in Xildhibaanada ay matalaan shacabka islamarkaana ay muhiim tahay inay ka hadlaan waxyaabaha ku soo kordho dalka.

Halkaan ka Dhageyso