Golaha wasiirada xukumada federaalka ah ee Soomaaliya Miisaaniyadii ay meel-mariyeen ayaa lagu soo waramayaa in ay ku jiraan qodobo dhaawacaya sharafta,Karaama iyo Diinteeyna Saalixa ah.
Xildhibaan Maxamed Cumar “DALXA” oo shalay ka hor hadlay mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ka dhawaajiyay in dekada Magaalada Muqdisho lagasoo dajiyo Qamri kaasi oo laga qaado canshuur islamarkaana ay tahay xaaraan.
Waxaa uu carabka ku adkeeyay in lacagta ay mushaar ahaanta uga qaataan dowlada ay ku jirto Canshuurta Dekada,taasi oo waxyeeleeyneeysa xalaal ahaanshaheeda.
Xildhibaan Maxamed Cumar “DALXA” aad ayuu Xukumada uga dhaliilay arrinkaan,waxaana uu sheegay in aysanba aheeyn in ay soo gudbiyaan golaha wasiirada amaba ay soo meel mariyaan.
Waxaa la rumeeysan yahay in Xukumada uu horjoogaha u yahay Xassan Cali kheeyre in aysan kala jecleeyn arrinkaan balse danteedu ay tahay kaliya dhaqaallaha