Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar oo ah Xildhibaan oo hada ka mid noqday Baarlamaanka 11aad JFS kuna guuleystay kursiga tirsigiisu yahay HOP#039 ayaa ka warceliyay muuqaal Baraha Bulshada ku faafay isaga oo amaanaya Al-Shabaab iyo falcelinta ka dhalatay hadalkiisa.
Cali Xaaji Aadan oo kamid ah Xildhibaannadii laga soo doortay Hir-Shabeelle gaar ahaan Gobolka Hiiraan ayaa 14kii April 2022 waxa uu kamid noqday Xildhibaanno lagu dhaariyay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaankaan ayaa waxa uu horay macaamil wado shaqo uu la lahaa ururuka argagaxisada Al Shabaab. Xogta qaar ayaa sheegsaysa in uu qayb ka ahaa shaqooyinka ay Al Shabaab ka fuliyaan deegaano ka tirsan Soomaaliya.
Wareysi uu siiyay VOA SOMALI ayuu ku sheegay in muuqaalkiisa lagu faafiyay Baraha Bulshada laga soo jartay Khudbad uu ka jeediyay Deegaanka Ceel Cali 2014kii xili uu halkaas u tagay adeeg caafimaad maadaama uu yahay dhaqtar & hormarinta Waxbarashada Deegaankaas.
“Video-ga waxa uu ahaa 2014kii, xilli aniga oo dhaqtar iyo bare Jaamacadeed ah oo ka shaqeeya Muqdisho aan aaday Deegaanka Ceel Cade oo waxa aan waday macalimiin Iskuul oo maadooyinka Seyniska dhiga waxaana geeyay Iskuulka Ceel Cali oo 2012kii aan u baddelnay Dugsi sare, Guddigii maamulayay Iskuulka ayaa ii xilsaaray in aan u hadlo, khudbaddii aan jeediyay oo dheereed ayaa laga soo jartay qaybta aan ka leeyahay “Wilaayada Islaamiga” haddii aan tegay meesha ay ka talinayaan oo madaxdoodii fadhiso waan ku qasbanaa in aan adeegsado Ereygaas” ayuu yiri Xildhibaan Dr. Cali Xaaji Aadan.
“Qofka meesha ka taliya in aad ugu yeerto magaca uu jecel yahay haddii kale adiga ayaa dhibaato laguu geysanayaa, tan kale waxa aan u baqay iskuulka in ay dhibaato soo gaarto oo aan loo fahmin in ay Dowlad ama Hay’ad taakulo ka helo, anigana nafteyda ayaan u baqay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Cali Xaaji Aadan.
Xildhibaankaan ku guuleystay HOP#039 ayaa beeniyay in uu xiriir la leeyahay Al-Shabaab isaga oo difaac ka dhigtay in dalka dibaddiisa uu Waxbarasho u aaday kahor inta aanay aasaasmin, isla markaana aanay jirin shaki laga qaaday ama caqabad ka dhalatay muuqaalkaas oo soo gaartay kaddib faafintiisa.
Waxa beeniyay in Ergada Dooratay ay ku jireen kuwa Al-Shabaab u tagay, Guddi qaabilsan hubinta Codeeyaasha uu xaqiijiyay maadaama la mamnuucay Eragadii u tagtay Al-Shabaab ee soo dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka 10aad ee JFS.
“Dad Ergooyinka galay oo inta cabsaday u tagay Nimankaas way jiraan, kuwaas in ay dib usoo galaan doorashada dambe lama ogola oo Dowladdu go’aan ayay ka gaartay, aad ayaa loo hubinayay oo Guddiyo Amniga ayaa ka shaqeynayay” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Dr Cali Xaaji Aadan.
Dr. Cali Xaaji Aadan Abuubakar ayaa 04/04/2022 ku guuleystay HOP#039 isaga oo helay 86 cod, waxa uu ballanqaaday in uu wax u qaban doono Deegaanka uu metalo ee Ceel Cali oo gacanta DG Hir-Shabeelle ka maqan.