Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay ku fashilantay in ay u gurmado dad Shacab ah oo dhawaan ku dhawaaqay in ay dagaal la gali doonaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sheegay in xukuumadda Xasan Cali Kheyre aysan u gurman Koox Macawisley ah oo dhawaan dagaal ka dhan ah Shabaab kaga dhawaaqay Shabeellaha Dhexe.
Waxaa sheegay in dadkaasi la rabay in lagu taageero hub iyo dhaqaalle si ay u xoojiyaan dagaalka Al-Shabaab.
Xildhibaanka ayaa sheegay in uu tacsi u diraayo Hoggaamiyihii Kooxda Macawisleyda oo ku dhintay dagaal maalmo ka hor ka dhacay Shabeellaha Dhexe ka dib markii Shabaab ay weerar kusoo qaadeen.