Xildhibaan Cadoow Cali Gees oo iibsaday Xisbigii GORSOOR (Imisa ayuu kala baxay yaasa xulufo kula ah )

Iyadoo ay xargaha goosteen Xisbiyada dalka islamarkaana maalinba maalinka ka dambeeysa lagu dhawaaqaayo xisbi cusub ayaa waxaa lagusoo waramayaa in Xildhibaan Cadoow Cali gees uu iibsaday mid ka mid ah xisbiyada dalka ka jira.

Sida MOL loo xaqiijiyay waxaa uu iibsaday xisbigii GORSOOR ee uu madaxda ka ahaa Xildhibaan Zakariye Xaaji Ismaaciil,waxaana laga bixiyay lacag aad u badan sida aan xogta ku helnay.

Xildhibaan Zakariye ayaa Cadoow Cali gees usoo bandhigay in Xisbigaas ay ku duulaan Has’yeeshee Cadoow oo maalqabeen ah ayaa ku qanciyay in uu ka dhex baxo islamarkaana uu qaato lacag.

Xisbigaan la iibiyay ayaana saameeyn buuran ku laheeyn siyaasada,waxaana uu ka mid yahay xisbiyada fadhiidka ah ee dalka ka jira,walow la rumeeysan yahay in qof uun uu u dhiibi doono Cadoow islamarkaana aanu asigu hogaamin doonin.

Dad badan ayaa arrinkaan la yaabay,waxaana ay xildhibaan Cadoow ku tilmaameen in aan sidaasi ula socon siyaasada islamarkaana wali ku fikiraayo hormari ganacsigaaga oo kaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here