Xog ay shaacisey NISA ayaa lagu sheegey in Ciidamada Nabadsugida Qaranka ay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qabtay labo ka mid ah Shabakad ka shaqeysa Lacag dhaqida iyo sameynta been abuurka Dollarka oo xiriir la leh kooxda Al-shabab.
Qoraal lagu shaaciyay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlaha fududeynta Garoonka uu shabakadaas uu u sahlay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo lagu magacaabo Cabdishakuur Cali Mire, kaasoo arrintiisa loo gudbinayo Hey’adaha shaqada ku leh maalmaha soo socda.
Dowladda Soomaaliya ayaa fal dambiyeed u aqoonsatay Lacag dhaqida, waxaana sharciga ka hortagga lacag dhaqida saxiixay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh bishii Febraayo ee sanadkii 2016, kaddib markii uu meel mariyay Baarlamaankii 9aad bishii December sanadkii 2015.
Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ayaa dhowaan la wareegey Maamulka maqaayada ku dhex taala VIP-da Garoonka Diyaaradaha ee aadan Cade ee Magaalada xamar, si uu howl Kale uga dhax fuliyo garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire ayaa dadka yaqaano waxay ku tilmaamaan inuu yahay nin Madaxweyne Farmaajo si toos ah ugu xiran, isaga waxaa uu sheegtaa inuu madaxweynaha gacanta ku heysto.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed
eraalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmajo ayaa noqday masuul maqaar saar iska ah iyadoo magaciisa iyo awoodda xafiiskiisa ay ku shaqeystaan rag isku heyb yihiin oo aaminsan in ay sharciga ka weyn yihiin.