Xildhibaan C/qaadir Caraboow oo Balankii Ugu Baxay Jabahadda Macaawisleeyda Iyo Al-shabaab oo Midba Maalin-dilaayo (Xog Rasmi ah)

Reading Time: < 1 minute

Dhawaan waxaa Bilaawday Kacdoon xoogan oo ay dadka ku nool degmooyin Dhaca Gobolka Sh/dhexe ugasoo horjeedeen  Kooxda Al-shabaab oo ay dagaal xoogan la galeen kaasi oo dhaliyay Qasaaro kala Duwan oo soo gaaray Labadda dhinac.

Dagaalkaasi oo ku Bilaawday Garo,Garoortay ayaa waxaa ku naf waayay Qaar ka mid ah Shaqsiyaadkii Hogaaminaayay oo uu ka mid ahaa Hibaad oo ahaa nin Da’ah.

Al-shabaab  oo dadka ku nool Goboladda galgaduud Iyo Shabeellaha Dhexe ku haayo Gumaad xoogan iyo dhac Bareer ah waxaa Ceeb ah in loogu daro iska Horgeeyn masuuliyadeeda ay qaadayaan Xildhibaano iyo shaqsiyaad dano gaar ah leh.

Xildhibaan C/qaadir Caraboow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa Sameeyay dadaalo u ekaa kuwa lagu deg-degay oo Kooxdaasi La baxday Macaawisleeyda lagu gargaarayay ka dib dilkii Hibaad oo ahaa Oday Hogaaminaayay Dagaalka ay Al-shabaab  la galeen.

Sidaasi oo ay tahay qaar ka mid ah Siyaasiinta Gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa ay qabaan in ayna Habooneeynin shacab iyo shabaabka xoogan ee dhulkaasi ku sugan la iska Horkeeno iyo magac iyo arrimo kale lagu raadinaayo.

”Dadaaladaasi aan laga Fiirsan ee shabaab loogu balamiyay shacabka waxaa ay dhaliyeen in Boqolaal wiil ay Kooxdaasi Goowracdo,hadii Xildhibaanaddu Run sheegayaan  maxeey Dowlada ugu cadaadi-waayeen in Ciidanka xoogga loo diro” Sidaasi Waxaa Yiri Xusseen Jimcaale Muumin oo ka mid ah waxgaradka Gobolkaasi.

Xildhibaanada Golaha shacabka Gaar ahaan Caraboow Iyo Abtidoon ayuu ku tilmaamay kuwa aan Ageeyn qatarta shacabka waxaana uu ugu baaqay in Faraha kala baxaan arinkaan oo ayna shabaab oo bulshadaasi la degay ayna kusii dirin.

Arrintaan ayaa waxaa ay imaaneeysaa iyadoo dhawaan ay Deegaano u dhaw Raagge-ceelle gaareen Xubno uu ka mid yahay C/qaadir Caraboow Iyo sidoo kale Xildhibaan Abtidoon kuwaasi oo balanqaaday in ay taageerayaan Kooxda Macaawisleeyda,hase’yeeshee hadda lasoo warinaayo in ay balankii ugu baxeen.