Xildhibaan Maxamed Axmed Beerrey ayaa ku guuleystay doorashada kursiga sumadiisu tahay #HOP024, kadib tartan adag oo caawa ka dhacay magaamada Jowhar oo ah deegaan doorashada koowaad ee Hirshabelle.
Sida ay guddiga doorashooyinka Hirshabelle ku dhawaaqeen, Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo ku guuleystay doorashada Kursiga #HOP024 ayaa helay 59 cod, halka Musharaxii ku soo xigay Yuusuf Xaaji Dool uu helay 25 cod.
Beerey ayaa sanadkii 2016 looga adkaaday doorashada kursigan oo 7 sano ka hor uu ku guuleystay Xildhibaan C/qaadir Carabow, iyadoo wararka la helayo ay tilmaamayaan in lacago badan ay ku baxday tartanka oo caawa saq dhexe soo gaaray.
Kursigan waxaa ku tartamay afar musharax uu ka mid yahay Xildhibaanka kursigan ku fadhiyay C/qaadir Carabow oo ka mid ahaa dadka Farmajo iyo Fahad aad ugu shaqeeyey intii uu kur siga ku fadhiyey ninka haatan ku guuleystay ee ahaa Musharaxii uu sanadkii 2016 ka adkaaday Mohamed Axmed Beerey, Yuusuf Mohamed Xaaji Dool iyo Bashiir Macalin.
NN ayaa cidla ciirsila uga wada tagtay dhamaan raggii sharaftooda iibsaday, kadib markii ay ku gashay dembi kasta oo ay rabto, waxaasa weli jira kuwa aan garan inay NN dhimatay oo ka daba qaaq leh sida Cabdullahi Sh Xasan iyo Cali Maxamed Geedi oo sharaftooda ku iibsaday xoogaa dhadhammo ah, bulshadoodana ku sharan beeley.
Si kastaba, guusha xildhibaan Maxamed Axmed Beerey ayaa si aad ah looga dareemay magaalada Muqdisho, iyadoo qeybo kamid ah caasinadda laga maqlayo rasaas xooggan oo lagu sheegay iney tahay loogu dabaal dagayo xildhibaanka haatan ka soo baxay magaalada Jowhar.