Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in beesha caalamka aanay daacad ka ahayn kaalmada Soomaaliya.
“Annaga waxa dhibka nagu hayo ayaa waxay tahay nimankaan la yiraahdo beesha caalamka oo hab dhaqankooda uu noqdo la shaqeyn shaqsi oo aanay la shaqeyneyn hay’adaha dowladda, baarlamaan ay la shaqeeyaan waxay ka jecelyihiin iney la shaqeeyaan guddoomiyaha, xukuumaddii inay la shaqeeyaan waxay ka jecelyihiin iney la shaqeeyaan Ra’iisul wasaaraha, qaranka iney la shaqeeyaan waxay ka jecelyihiin iney la shaqeeyaan madaxweynaha, waxay sameynayaan qaab walbo oo ninkaasi haku joogo Meesha ay wax ka quransan yihiin waa halkaasi” ayuu yiri xildhibaan Dalxa.
Xildhibaan Dalxa aya kula taliyey in beesha caalamka ay hay’adaha dowladda kala shaqeeyaan horumarka iyo dib u dhiska dalka.