Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle oo Muqdisho ku geeryooday

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa goordhaweyd ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Alla ha unaxariisto Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle Col. Ruush oo kamid ahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa u geeriyooday xanuun wadnaha oo soo wajahay.

Ruush ayaa kamid ahaa guddiga dastuurka Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale waxa uu kamid ahaa siyaasiyiinta ugu caansan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, wuxuuna ahaa Saraakiishii RRA iyo xubin ka tirsan Golaha Aqoonyahan Koonfurta Soomaaliya, xilal badanna soo qabtay, wuxuuna hadda ahaa Xildhibaan Golaha Shacabka Soomaaliya.