Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi”Xukuumada Waxa u Harsan In Kulankoda Qamiis laha Ah In Ay Ku Magacaaban Gudomiyaha Golaha Shacabka Xukumada”

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Facebooka ayaa sheegay in Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku balameen sidii loo badbaadin lahaa Baarlamaanka,islmarkana ay ka ortagi donan weerarka Xukuumada ku so qady Baarlamanka.

Xildhibn fiqi aya muujiay sida foosha xun ay xukuumadu uso weerarty baarlamanka iyo Maamulkisa waxana uu shegay in kaliya xukumadu ay u harsantahay in Kulankoda Qamiis laha ah ee ku magacaban Gudomiyaha Goloha Shacabka Barlamanka Farmaajana uu saxiixo.

“Xildhibaanada golaha shacabku aqlabiyadoodu waxey isku dhaarsaadeen in la badbaadiyo barlamaanka, lagana hortago weerarka sharci-darrada iyo awood sheegadka isugu jira ee xukuumaddu ku soo qaaday, Dhammaan isku dayadii iyo dadaaladii daba socday ee aan kala harka lahayn waa soo shiiqeen, waxaa dhiman oo qura shirka khamiislaha ah ama shir aan caadi ahayn oo golaha wasiiradu yeeshaan in lagu soo magacaabo guddoomiyaha golaha shacabka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, madaxweynuhuna dikereeto ku soo saaro” Ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibanada Golaha Shacabka aya waxa so jiitay oo daren galiyay hadalki Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka oo xildhibaanada ka dalbaday in ay badbaadiyaan Baarlamaanka 10-aad, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda ay isku dayeyso in ay burburiso Golaha Shacabka.