Xildhibaan Axmed Macalin fiqi oo ka mid aha Xildhibanada Manta ka qeyb galay kulanka Xildhibanada ay sualaha ku weydinayen Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha aya waxa uu la yabay adegsiga Erayga Nabad iyo Nolol isago sual ka kenay eraygasi.
Xildhibaan Axmed Macalin fiqi ayaa sheegay in Sharciga Maanta uu Xildhibaannada kahor akhriyey Wasiir Maareeye uu ku arkay meel ay ku qoran tahay Erayga Nabad iyo Nolol,isla markaana Eraygaas uu yahay mid waqtiyar socda oo ay wataan madaxda dowladda hadda jirta laakin uusan garaneyn dowlad la yiraahdo Nabad iyo Nolol.
“Waxaan ku arkay meelo badan ay ku qoran tahay Dowladda Nabad iyo Nolol,runtii Wasiirku meesha uu ka keenay ayaa laga rabaa dowladda Nabad iyo Nolol hadii uu ula jeedo Xukuumadda hacadeeyo sharcigaana waa sharci la doonayo in waligeyd uu soomaaliya ka Shaqeeyo laakin Magac qolo gaar ah wadato laguma Shaqeyn karo,aniga dowladda waan ka tirsanahay waligeyna maba arag dowladda Nabad iyo Nolol”
Kooxda Madaxtooyada aya inta badan adeegsata Magacaasi waxa ayna ku bixiyaan lacago badan si magacaasi uu suuq u yeesho iyado Baraha Bulshada kooxaha kaga shaqeeya ay adeegsadan si ay usuq geeyaan.