Xildhibaan Axmad Macalin Fiqi”Waxaan rajaynaynaa in madaxweynuhu kaalin ka weyn shir la hakiyo uu cayaaro”

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan axmad Macalin Fiqi oo ka mid ah xildhibanada golaha shacabka ee taageersan Gudoomiye jawaar aya ka hadalay kulanka golaha shacabka ee manta baaqday.

Waxa uu Xildhibaan Fiqi Sheegay in madaxweyne Farmaajo uu hada soo baraarugay madama uu dareemay baaqyadii kala duwana ee lo diri diray,xildhibanka ayana faray in si cadalad ah ay noqoto faragalintiisa ka dib qoraal uu so dhigay Facebook-kiisa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ay si mas’uuliyad leh ay ugu soo baxeen xaaladda siyaasadeed ee dalka ka taagan, ayna ka turjumeen dareenkooda.

“Waxaa muuqata in Madaxweynuhu dareemay muhiimada baaqyadii kala duwanaa ee loo diray iyo inuu dareemay khatarta dalku ku socdo, khilaafka jiraana uu saldhigan doono meel aan caaqibadeeda la mahdin doonin, Waxaan rajaynaynaa in madaxweynuhu kaalin ka weyn shir la hakiyo uu cayaaro, si daacadnimo ahna arrintan u soo galo

Xaaladda dalka ka taagan ma ahayn mid la daawan karo, mana ahan waxa socda wax laga raali noqon karo ciddii damiir leh, balse waxaa muhiim ah in la kala garto cidda dalkaan u naxaysa iyo kuwa manaxayaasha ah ee aan wax dan ah ka lahayn burbur ku yimaada hey’adaha dawladda”

Gudoomiyaha Golaha shacabka aya shegay in manta in uu baaqday kulanki ay lahayeen Xildhibanada Golaha Shacabka waxa uu ciyaray siyaasad wanaag isago aqbalay codsi uu so gudbiyay madaxweyne Farmaajo oo aha in dib lo dhigo kulanka.