Xildhibaan Abuukaate” Madaxweyne Farmaajo Waa Inaad Moowqifkaga Cadeysa,Aamusnaan Xal Ma Ahan”

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Maxamuud C/llaahi Abuukaate oo ka tirsan Golaha shacabka ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu si degdeg ah u soo farageliyo khilaafka u dhaxeeya Hey’addaha sharci dejinta iyo Fulinta, isla markaana caddeeyo mowqifkiisa halka uu jiro,isla markaana qodobka 90aad ee Dastuurka uu siinayo awoodo dheeraad ah.
.
“Dalkaan Madaxweynaha ayaa u sareeyo, qodobka 90aad ee dastuurka awoodo dheeri ah ayuu siinayaa waa qofka u dhaxeeya Hey’addaha sharci dejinta, garsoorka iyo Fulinta, waxaa la rabaa inuu khilaafka soo farageliyo sida ugu dhaqsiyaha badan u xaliyo, ma ahan in uusan ka aamusin, tallaabo degdeg ah uu qaadaa, si arrintan loo xaliyo, haddii uu qeyb ka yahayna waa soo baxeya, hadii uusan qeyb ka aheyn waa la arki doonaa,Jawaari waa shaqsi, xil waa laga qaadi karaa, waana loo dooran karaa, laakiin in laga dhigto wadadii Baarlamaanka lagu burburin lahaa, taas ayaa diidan nahay”ayuu yiri Xildhibaanka

Xukuumada Soomaaliya aya duulaan xoogan ku soo qaday hogaanka sare ee Golaha Shacabka si lo kala diro Golaha Shacabka iyado Xukuumadu ay dadaal fulaynimo ah ay u galeyso sidi ay Golaha Shacabka iyo Hogankoda shaqo gab uga dhigi lahayeen.