Alaha u naxarasiitee waxaa saakay Magaalada saMuqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Aadan Xasan Cali oo loo yaqaanay Aadan Moobleen oo ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka, kaasoo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunayay Muqdisho.
Sida la xaqiijiyay Xildhibaan Aadan ayaa la xanuunsanayay cudurka macaanka, sidoo kale waxaa uu ka xanuunsanahayay dhanka kelyaha, waxaana maalmo ka hor Isbitaalka Yardimeli la gaarsiiyay mashiinka lagu dhaqo kelyaha oo xubno ka tirsan Baarlamaanka ka soo qaadeen Isbitaalka Digfeer. Waxaa uu ahaa Xoghayaha Guddiga Maaliyadda ee Golaha Shacabka, waxaa uu ahaa Xildhibaan laga soo doortay dowlad goboleedka Hirshabeelle.