Xildhibaan 15ka May 2022  Xannibaadda Naga Qaad oo Noo Dooro mid Kheyr Qaba oo Tijaabsan..

Reading Time: 2 minutes

Runtii waan xakaarnay 5 sano ee la soo dhaafay ilaa maanta oo ay 14ka ay tahay waxaan ku xaniban nahay xaafado gaar ah, Xamar oo si xanuun badan u kala xeran, xataa adiga maanta waxaad ku xayiran tahay hotel oo inaad inta noo timaado xaaladeenna naga wareysatid, kadibna sida Xildhibaannada caalamiga aad xeer ka soo saartid ma awoodid.

Walaalayaal Xildhibaanada sharafta mudanow noo xariista oo naga naxa Xamar waa ku dhibtoonnay, kala wareeg, dib u laabo, adiga maaha qofka halkaan mari kara, si aad xooggaaga u siticaashid baad, si cisbitaalka u tagtid soo tuur lacag, si aad umusha isku go’I karta cisbitaalka aan albaabkiisa taaganahay u geysid ku soo tuur lacag EVC-geyga iwm.

Walaalayaal Rabbi waa idiin kaalmeyn maalinta la dhiban yahay ee maanta culeyska naga dulqaada oo isticmaala qalinkiinna si aad nooga saartaan dhibka na haysta oo ay noo keentay Nabad iyo Nolol.

Ma idin lihin hebel doorta waxaansa idin leenahay hebel ha noo soo celina. Maxamed Cadullahi Maxamed waa na siray waa na khiyaanay waa na baabi’iyey ee ha noo celinina. Xasan Cali Kheyre Waa koobiga Maxamed Cabdulahi Maxamed “Farmaajo” ha noo kenina.

Nin oday ah ayaa si fiican u dhigay oo yiri haddiiba aan Koobi dooraneyno maan originaalka dooranno oo uga jeedo haddiba aan Kheyre dooraneyno maan Maxamed Farmajo dooranno waana sax.

Waxaad noo doortaan:

  1. Qof fahamsan sida uu shaqeyso siyaasad Juqoraafiga Gayiga, waayo Meesha uu dalkeenna ku yaallo wuxuu noo soo jiidayaa indho badan haddii aanaan caqli iyo faham diplomasiyadeed aanaan kaga dabaalan waa nala dhibaateynayaa.
  2. Qof fahamsan inaan leenahay boogo badan oo u baahan in si degdeg oo naxariis leh loo dhayo, iyadoo la sii kala fogaan.
  3. Qof fahamsan sida uu Federaalka u shaqeeyo iyo sida loo gaarsiin karo faa’iidadiisa qof kasta oo Somaliyeed oo jamhuriyadda ku nool.
  4. Qof fahasan sida ay tahay in loola hadlo, loola fadhiisto, kadibna loola gaaro go’aan u dan ah qof kasta oo Somaliyeed meel kasta oo uu joogo.
  5. Qof dib u xoreyn kara goobihii xorta ahaa 2017 oo ahaa 70% dalka, halkaana ka sii wadi kara 30% haray.
  6. Qof aan ciil qabin oo u diyaar ah inuu ka socdo wixii aan dadka kala fogeyneyn, sharcigana ku dhaqma oo ammaanka iyo kala dambeynta soo celiya.
  7. Qof dulqaad leh oo Somalida oo raadinaya, jecelna Somali heshiis ah oo nabad ku wada nool iskana ilaalisa cadowgeeda si xeeladeysan oo isku taag ahayn.

Xildhibaan fursadda aad hasataa ha naga lumin oo dib ha noo riixin ee maanta noo door qofkaas waa kuu muuqdaa qof uu yahay oo u ku sifoobi kara astamaha kore.

Rabbi ha ku xafido, ku tuso xaqa, hakugu hanuuniyo xaqa, wixii kaa dhacayna hakaa cafiyo. Aamiin.