Xildh. Xusseen Iidow oo beesha Habar Gedir  ku eedeyay in ay  dib u soo celinayso dagaaladii sokeeye

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Xuseen Iidow oo ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya kana soo jeeda beesha uu ka dhashay Ra’iisal Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa waxa uu in mudo ah ku hayay qaar ka mida xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka caga juglayn iyo cabsigalin isaga oo isticmaalaya magaca Ra’iisal Wasaaraha.

Xildhibaanka oo ka tarjumaya dareenk Ra’iisal Wasaaraha iyo beesha uu ka dhashay ayaa shalay u gafay beesha Habar Gedir. Xildhibaanka ayaa ku eedeeyay beesha in ay ka shaqaynayso sidii ay kurisga uga kacsan lahayd Xassan Cali Kheyre. Xildhibaan Xuseen Iidoow oo lagu yaqaan afxumo aya yiri “Hadii aan Habar Gedir dalka iyo dadka laga qaban Soomaaliya dowlada ma yeelanayso tii dhisnaydna waa iyaga duminya”. Waxa intaas uu ku daray “Cabdiraxmaan Cabdishakur iyo beeshiisa waxa ay isku bahaysteen in ay xassan Cali Kheyre kursiga ka kacsadaan laakiin waxaan u sheegaynaa in Kheyre u talin doono sodonka sano ee soo socda”.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!