Guud ahaan waxaa muhiim ah in mar waliba danaha shakhsiyadeed laga garto kuwa qaran, kadibna la hormariyo kuwa qaranka haddii kale dalku ma ahaan karo mid magac iyo maamuus ku leh saaxadda caalamka ku tartamo, adiguna sidaan ayaad u maca beeleysaa.
Waxaan daawaday RW hore Yuhuud ah Naftali Bennett oo leh “marna ha ka filan qof yuhuudi ah oo masuul ahaa inuu si fagaare ah u dhaleeceeyo hogaanka jooga ee dalka iyo dowladda jirtaa markaas” Waa korsanaan siyaasadeed oo ka maqan kuwa uu waqtiga hogaamiyayaasha nooga dhigay ee aan ku iman karti ay leeyihiin iyo doorasho dadweyne oo lagu soo xushay barnaamij ay na soo hordhigeen.
RW hore Xasan Cali Kheyre ayaa bartiisa facebook ku qoray “ “Waxaa nasiib darro ah in Xildhibaan Marwo Cabdi ay ka heli wayso dowladda ay ka tirsan tahay xuquuqdii muwaadinnimmo ee ay ku lahayd, in ay ka heshaa ha joogtee in laga hiiliyaana waa dulmi laga galay muwaadin Soomaaliyeed”.
Waxaan is weydiiyey waxa ay ku kala duwan yihiin ee ay ku kala horreyaan labada shakhsi ee RW hore ee Israel Naftali Bennett iyo RW hore Xasan Cali Kheyre? Ma garasho iyo Garaadbaa? Ma Gobinimo iyo Gunnimaa u dhalsho ahbaa? Ma waddaniyad iyo Khaa’inul wadannimaa? Bal akhriste adigu garo kuu daayaye.
Waa dhab in Xildhibaanad Marwo Bashiir ay isu taagtay kursi ay xaq u leedahay muwadin ahaan, laakiin dowladeeda ayaa ka tanasushay kuna badalatay laba kursi oo aad uga qiimo badan kuwaas kala ah Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha ammaanka oo sida la og yahay ah halka daleenna go’aamo badan looga soo gaaro iyo Kan Suuqa Bariga Afrika oo ay dadkeennu baahi weyn u qabaan si ay ganacsigooda xor ugu noqdaan.
Xildhibaanadda waxaa loo sheegay inay dowladda Somaliya oo ay ka tirsan tahay ka tanasushay kursigaas oo ay ku badalatay kuwa uga baahi badan xelligaan, waayo kursiga ay raadineyso ma ahan mid shakhsiyadeed oo iyada lagu xumeynayey ee waxaa uu ahaa kursi ay dowladda Somaliya leedahay inay u tartanto iyadoon loo eegeyn qofka u tartamayaa si loogu daboolo baahi qaran.
Waxaan arkay dad si weyn u dhaliilaya dowladda iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda inaysan u ololeyn Xildh. Marwo Bashiir, waaybe kursi mar hore laga heshiiyey oo ahaa in laga qatay go’aan dowladeed sidee ayey ugu ololeyn kartaa dowladdii ka hartay.
Haddii Xil. Marwo golihii ay ka tirsaneyd uu guddoonkeeda soo saaray waraaq ah inay dawladda ay xildhibaanka ka tahay ka hartay walaasha waxay ahayd inay u qaadato sidii ay u qaadatay markii la yiri u tartan ee waraaqaha loo qorayey, dhaqaalahana loo ururinayey.
Kuwa waqtiga uu madaxda noo dhigay waxaa dhib ku haya oo u soo hormaraya danahooda, mana gartaan in danahooda ay ku bulaali karaan oo kaliya marka danta dalka ay bulaasho.
MW Deni iyo RWhore Xasan kheyre waxay nala ahayd inay ku dhex koreen muddadii ay siyaasadda ku jireen oo danta shakhsiga ay ka soocan karaan tan qaranka.
Is maandhaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka oo ku jirta dagaal ay kula jirto khawaarijta maanta ma mudna in eedeyn aan run ahayn dusha laga saaro iyadoo looga jeedo gaalaa god iigu jiree garruunka ii keen.
Xildhibaanadda waxay ahayd inay dalkeena iyo dowladeeda la socoto oo aysan dana shakhsiyadeed ka dhex raadin arrinka, ka joog ayaa lagu yiri weyna ka dhega adeyga tahay, kheyrana waxay ahayd inuu u fekero sidii uu fakeray dhigiisa reer Israel.
Siyaasadda waa barasho ee kuwa waqtiga uu fursadda siiyey ha koreen garaadkooduna ha la saan qaado kuwa dhigooda ah ee dunida sida kor ka muuqata haddii kale waxaan joogeynaa gabaygii Feyluuskii weynaa ee Somaliyeed ahn Abwaan Maxamed Xashi Dhamac (Gaarriye) “ …Haddaan guga kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin garaad iyo waaya-arag illeyn wax ma dhaantid Geed ….”