Xildh. Geeseey “Maamul kali talis ah iyo caburin ma aha wax aan yeeli doono” (Dhageyso)

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Howlaha Guud ee dowladda Somalia, Cabdifitaax Geeseey ayaa wareysi uu siisay VOA ku sheegay inuuu xilkaasi iska casilay, kadib markii sida uu sheegay ay dowladdu faregelin ku sameysay doorashada Koonfur Galbeed, sidoo kalena ay soo xirtay Mukhar Roobow.

Waa wasiirkii ugu horreeyay oo ka tirsan xildhibaanada Baarlabaanka Federaalka ah uga jira maamulka Koofur Galbeed aya isku casilay kaddib markii uu saluugay qaabka ay dowladda federaalka ah faragelinta ugu hayso doorashada maamulka Koofur Galbeed isla markaana uu sheegay in si sharci darro ah loo soo afduubay loona soo xiray Mukhtar Robow oo ka mid aha musharaxiinta u taagan qabashada xilka maamulka Koofur Galbeed.

Geeseey aya sheegay in aanan loo dulqaadan karin maamul kali talisnimo ah in lagu caburiyo shacabka, mana yeeleyno buu yiri in la hareer maro sharciga & dastuurka dalka.

Wuxuu ka dhawaajiyay in maamulka Farmaajo uu qorsheynayo in aanay doorasho dhiciin 2020 uuna rabo in waddanka uu xoog ku qabsado, balse wuxuu yiri Geeseey: Farmaajo wuu eedi doonaa haddii uusan ka waantoobin falalka guracan ee maalmahan la soo baxay.

Halka hoose ka dhegeyso