Caawa waxaa ka jira magaalada Garowe xaalad aad u kacsan oo keeni karta in dagaal beeleed ka dhaco deegaanka Puntland. MW Cabdiwali Gaas ayaa amar ku bixiyay in shirka Golaha Wasiiradda la baajiyo madaaama is afgaranwaa ka dhex jiro RW Kheyre iyo Dowlad Goboleedka Puntland. Arintaan ayaa waxaa ka hor yimid Wasiirka Axmed Ciise Cawad iyo xildhibanada ku abtirsada beesha Ciise Maxamuud iyage oo sheegay in sharaf dhac ku tahay in beesha deegaankeedii ayan marti ku soori karin made Soomaaliyeed. Beesha Ciise Maxmuud oo kulan isugu timid caawa ayaa go’aansatay in degaanka Garowe uu yahay deegaan uu ka soconayo kaliya amarka iyo rabitaanka beesha Ciise Maxamuud.
Xildhibaan Cali Hoosh oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa shirka beesha ka hadlay oo yiri “Garowe waxaa iska leh beesha Ciise Maxamuud, RW Kheyre waa in uu beri shacabka meel fagaare ah kala hadlaa”. Dhanka kale beelaha kale ee Cumar iyo Cusmaan Maxamuud ayaa iyaga dhankooda laga sugayaa in ay ka jawaabaan hadalka beesha Beesha Ciise Maxamuud. Aqoon yahay ku nool deeganka kana tarsan xarunta PDRC ayaa caawa u sheegay MOL in xaalad qatar ah jirtto taas oo keeni karta in burbur ku yimaado dowladnimada Puntland. Waxa uu hadlakiisa ku daray ” Garowe lacag baa ka shaqeeysa, hadii aad lacag qaybiso magaalada oo dhan ayaa laguu soo saarayaa, caawana lacago badan ayaa qaybinteeda socotaa, mana hubo in RW Kheyre dareensan yahay dhibka ka imaan karo talabooyinka uu qaaday”