Xil wareejinta G/gobalka banaadir oo dib dhac ku yimid sabab amni daro

Reading Time: < 1 minute

Maanta oo ay taariikhdu tahay Talaado Augusto 27, 2019 waxaa loo balansanaa Munaasabad xil wareejin ah oo uu xilka gudoomiyaha gobalka kula wareeji lahaa gudoomiyaha cusub Cumar Maxamed Maxamuud Finish.

Wararka aan ka heleyno xaruunta dowlaha hoose ee officio governo ee xamarweyne ayaa sheegeya in baqdin khalkhal amni oo jira aawgeed oo suuragelin in minaasabadaasi ay dhacdo maanta.

Wararkii ugu dambeeyey ee MOL ay heshey ayaa sheegeya in maanta la xiray ilaa todoba qof oo ka mid ah howl wadeenada gobalka waxaana lagu hayaa xaruunta dembi baarista CID ee KM4 iyadoo lala xiriirinayo in ay qeyb ka ahaayeen qarax la rabay in lagu dilo Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir

Xaalada gobalka Banaadir ayaa aad u qasan weliba dhinaca amni, waxaa kaloo jira in dhac iyo boob loo geystay dhaqaalaha khasnada gobalka taasoo lala xiriirinayo in ay ahayd sababta loo diyaariyay qorshaha qaraxa fashilmay