Xil. Sacdiyo oo lagu qasbay inay ka noqoto hadaladii aflagaadada ahaa ee ka soo yeeray

Reading Time: < 1 minute

ka dib culays ku yimid hogaanka sare ee dowlada federalka, kaas oo ka yimid culumada Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka Soomaaliya, xildhibaan Sacdiyo Yaasiin Samatar, Sacdiyo Y. Samatar ayaa lagu qasbay in ay ka noqoto hadaladii aflagaadada ahaa ee ka soo yeeray.

Sacdiyo ayaa isku dayday inay beeniso hadalkeedii la xiriirya mooshinka ahaa  in barlamaanka la horkeenay sharciga jinsiga oo buuq badani uu ka taagan tahay. Waxay kaloo sheegtay in hadal ay maalin dhowayd jeedisay la isku jarjaray oo si qaldan loo turjumay.

Sacdiyo oo ka hadlaysay xeerka jinsiga waxay sheegtay inaysan kamid ahayn dadka u doodaya xeerkaan, iyadoo tilmaamtay in mar la horkeenay barlamaanka kaddibna uu  barlamaanka dib isaga celiyay.

Waxay sheegtay inay kamid tahay masuuliyiinta u ololeynaya in sharciga jinsiga la waafajiyo shareecada islaamka, dib u sixid weyn lagu sameeyo, islamarkaana loona bixiyo magaca “Sharaf-dhowr”

Guddoomiye ku xigeenka barlamaanka ayaa dhowaan mowjado dhaleecayn kala kulantay baraha bulshada kadib markii lagu eedeeyay  inay u qareemayso xeer gef ku ah diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Hadaladii laga diiwaan galiyay waxaa kamid ahaa in haddii aan la meel marinisharciga jinsiga ay Muqdisho isaga tagayso.