Xil. Mahad Salad oo Muujiyey in Safiirka Masar ay Dowladda NN Hadda Daba Ordeyso. Sabab?

Reading Time: 2 minutes

Xil. Mahad Salad oo ka mid xildhibaanada golaha shacbiga ee waqtigooda sii dhamaanayo ayaa waxaa ku soo bandhigay arrin xisa leh. Xildhibaanka oo inta badan aan la gabbanaragtidiisa ayaa  qoraal uu bartiisa bulshada ee Facebook uu soo dhigay  ayaa ka shifay inmugdi iyo madmadow uu soo kala dhex galay Fahad iyo Farmajo oo dhinac iyo dowladda Qatar oo ku adegan jirtay.

Xildhibaanku waxaa uu sheegay in Safiirka dowladda aan walaalaha nahay ee Masar oo albaabada laga xeran jiray muddo seddex sano iyo sagaal bilood ah haatan aad loo daba ordayo laguna amray madaxda Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda inay si degdeg ah ula kulmaan. Waxaan oganahay dalka Masar ay dowlaadda Farmajo ka codeysay una codeysay Itoobiya shirkii ku saabsanaa Biyaxereenka Wabiga Niil oo halbowle u aha dalalka Masar iyo Sudan.

Hasa yeeshee MOL markii ay dabagashay sababaha keenay kulamada isadaba joogga ah waxay ogaatay:

  1. In safiirka Masar loogu yeeray inuu warcad ka bixiyo sababta uu MW Hore ee Xasan Sheekh Maxamuud loogu Casuumay dalka Masar.
  2. In safiirka lagu handaday inuu caddeyn ka keeno dowladiisa sababta loo casuumay MW Xasan sheekh.
  3. Dowladda NN oo iyadana bilowday in laga been sheego safarka iyo Hadalka uu halkaas ka jeediyey MW Xasan Sheekh si loo abuuro tashwiish iyo marin habaabin shacbiga ah.

Haddaba qoraalka Xil. Mahad  oo dhan Halkaan ka akhriso.

Fahad iyo Farmaajo cabsi miyaa taabatay mise taladii Qatar ayaa meesha ka baxday?!

Dowlada Farmaajo hoggaamino safiiro uma joogaan sadexda dowladood ee kala ah Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka. Dowladahaan ayaa ah kuwa ugu muhiimsan dadka Soomaaliyeed dhanka Waxbarashada, Ganacsiga, Xajka, Diblomaasiyadda iyo Xiriirka Taariikheed.

Maanta oo muddo xileedka Farmaajo ka harsantahay 3 bilood ayuu bilaabay in uu dabo cararo diblomaasiyiintii albaabada  laga furi diiday afartii sano ee la soo dhaafay. Xiriirka xumaaday ee wadamadaan Soomaaliya kala dhaxeeyay ayaa waxaa sabab u ahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyaha Nabad Sugida Fahad Yaasin oo ku jaan goynayay amarada iyo talooyinka gurracan ee uga imaanayay dalka Qatar oo iyaga ruuxooda xiriir aan la lahayn sadexdaan dal.

Haddaba Su’aashu waxay tahay Farmaajo iyo Fahad hada miyay ogaadeen muhiimada dalalkaan Soomaaliya u leeyihiin mise amaradii Qatar ayaa meesha ka baxay?!

Sawiradan waa safiirka Masar ee Soomaaliya u qaabilsan oo lagu qaabilayo Madaxtooyada, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Wasaarado kale.

 

Hon. Mahad Salad