Xil Mahad Salaad oo Shegay in Xarunta Baarlamaanka Ay la waregayn Ciidamada Uu Tababaray Mareykanka ee Danab

Reading Time: < 1 minute

Weli waxaa isjiid jiid badan uu ka taagan yahay xarunta Golaha Shacabka ee Magalada muqdisho halkaas oo maanta lagu balansanaa in uu ka dhaco kulanka caadiga ahaa ee Golaha Shacabka Soomaaliya balse waxa uu noqday mid fashilmay.

Banaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa haatan waxaa ku sugan xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyey gudoomiye Jawaari iyo kuwa ka soo horjeeda,kuwaas oo Warbaahinta u sheegaya in Xarunta Golaha Shacabka ay Ciidamo la wareegeen.

Dhinaca kale xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka Jawaari ayaa isna waxa uu sheegay in maanta uu kulanka baarlamaanka ka furmi waayay xukuumadda,isla markaana ay Ciidamo u soo dirtay kuwaas oo la wareegay.

“Runtii Xarunta Golaha waad arkeysaan waa lala wareegay anaga hadda banaanka ayaan joognaa marka in indhaha leystiro maaha,waxa nasiibdarro ah in Ciidamaddii DANAB ee Garoonka Bali-doogle ku sugnaa Mareykanka uu tababaray in Xarunta Baarlamaanka lagu soo weeraro,dacwadaasna Mareykanka ayaan u gudbineynaa ayuu yiyi Xildhibaan Mahad Salaad”

Weli xaalad kacsanaan ah ayaa ka taagan Xarunta Golaha Shacabka,waxana xildhibaanada hadba dhinacba dhinaca kale uu ku eedeynayo in Xaruntii Golaha Shacabka lala wareegay.