Xil. Kullane Jiis Maxaa Karkarinaya? Akhriso. 

Reading Time: 2 minutes

Indhawaalaaba waxaa baraha bulshada gaar aan barta twitter uu ku leeyahay Xil. Kullane jiis ku soo baxay qaylodhaan iyo inuu dhibane iska dhigo, maadama ay dhici karto inay soo baxaan caddeymo muujinaya lugtii uu ku lahaa fal dambiyeedyo baaristooda gacanta lagu hayo, kuwaas oo ka dhacay hay’addii uu ka tirsanaa ee NISA. 

Cabdullahi Kullane oo loo yaqaanno Kullane jiis waxaa uu ku jiraa koox ka tirsaneyd hoggaanka sare ee NISA, kuwaas oo kala ah Fahad Yasiin, Xil. Yasiin Farey iyo nin lagu magacaabay Wadneqabad, kuwaas oo loo haysto dilkii iyo afduubkii sarkaalad Ikraan Tahliil. 

Dhinaca kale Kullane iyo Jeneral Biixi oo ah taliyaha ciidanka Lugta waxay qeyb weyn ka yihiin qaska iyo dhibaatooyinka lagu hayo gobolka Gedo iyo maamulka Jubaland. 

 Ilaa iyo  hadda uu Xildhibaan Federaal ah noqday Kullane kama waantoobin inuu koox si gaar loo diyaariyey oo dharka ciidanka wataa uu u diro Gedo. 

Wararka aynu ka hellay Garoonka Aden Cadde ayaa sheegaya in Ilaalo katirsan Nabadsugida, gaar ahaan Ciidanka loo yaqaano Duufaan oo la shaqeynayay Xildhibaan C/llaahi Kulane oo horay uga mid ahaa Saraakiisha NISA in lagu xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, iyagoo fasax la’aan ah ayay garoonka uga dhoofi rabeen oo safar u ahaa Gobolka Gedo, isla markaana ku baxayay qaab ciidan Boolis ah, gaar ahaan qeybta Daraawiishta, kuna hubeysna qoryaha fudud.

Haddaba Xil. Kullane waa in lala xisaabtamaa oo xasaanadda laga qaadaa, lagana dhageysan dhibanaha uu iska dhigayo iyo eeddaha uu leeyahay waxaa la iga watay ilaaladii. 

Xildhibaanka xaq uma laha inuu wato ciidan milateri ah oo qoryaha boobaha ku hubeysan ee Xildhibaannada waxaa loogu tala galay in amnigooda ilaaliyaan Ciidan Boolis ah oo uu xaq u leeyahay, oo loo ansixiyay xilligii Baarlamaankii 9aad.

Isku soo duub fallaari Gilgilasho kaagama go’do Kullane waxaa soo karaya baarista dembiyada loo tiirinayo kuwaas oo haddii lagu caddeeyo leh cawaaqib xun oo adag eedaha uu madaxda hay’adda u jeedinayaa waa boor isku qaris iyo is bihinbihin uu dhibane iskaga dhigayo.