Xil. Kullane Jiis “ Ciidanka dowladda Bur-Bur ayaa ku socda… Al-Shabaabna waa sii xoogeysanayaan”

Reading Time: 2 minutes

Run ahaantii waa wax aad looga xumaado xildhibaan qaran inuu sidaan u hadlo isagoo ceebeynaya, caayaya, liidaya CXDS islmarkaana amaanaya oo weyneynaya kooxaha Khawaarijta ah oo hadda raba inay dalka oo dhan ku fidaan. Araga maqaalkan oo MOL qortay.

Kooxda khawaarijta oo uu hadalka u yiri xildhibaanka ayaa waxaa soo qaadatay warbaahinteeda hadal uu jeediyay, kaasi oo ay aad ugu farxeen kuna amaanay inay soo xoogeysanayaan oo ay ka soo adkaanayaan Ciidan Xooga Dalka Somaliyeed.

Kullane ayaa wareysigaas oo uu siiyay Daljir wuxuu ku sheegay in ciidamada dowladda uu ku socda bur-bur horleh, halka Al-Shabaab uu sheegay inay sii xoogeysaneyso, isaga oo soo qaatay weeraro uu sheegay inay ay kooxda hub uga furatay ciidanka dowladda, taas oo uusan wax caddeyn ah soo bandhigin, sidoo kale laamaha warbaahinta ayaa laga rabaa inay caddeyn weeydiiyaan madaxda ama qofkasta oo ay codkooda ama qoraalkooda baahinayaan, haddii kale aan shacbiga lahu marin habaabin.

Ciidanka dowladda bur-bur ayaa ku socda, Gorgor iyo Danab oo ahaa ciidamo aad u tababaran waa la bur-buriyay. Al-Shabaab-kii waxaad mooda inay sii xoogeysanayaan oo waxay la wareegeen hubkii loogu tala-galay in lagu qalabeeyo ciidanka,” waa earayada ay khawaarijta u soo dhiibatay ha ka tirsanaado ama ha u shaqeeyee Xildhibaan Kulane.

Kullane oo ku faraxsan ayaa tusaale usoo qaatay weerarkii ugu dambeeyay ee kooxda Al-Shabaab ku qaaday deegaanka Caad ee gobolka Mudug, kaasi oo uu sheegay in ciidanka uu kasoo gaaray khasaare xooggan oo loo geystay jab, hasa yeeshee ma sheegin khasaaraha aan ka soo waaqsiga lahayn ee loo geystay khawaarijta.

Al-Shabaab ayuu xildhibaan kullane ugu kaalmeynayaa afkiisa iyo xildhibaannimadiisa oo ay ahayd inuu ugu adeego ummadda Somaliyeed ee uu wakiilka ka yahay.

Waxaa xaqiiqo ah in kooxda jab xooggan lagu gaarsiiyay gulufka dagaal ee bilihii dambe socday, kaasi oo looga xoreeyay degmooyin iyo deegaano ay sanado badan ka talineysay. Al-Shabaab ayaa gulufka ka dhanka ah ku weysay dagaal-yahaanadii ugu badnaa iyo horjoogayaal sare, sidoo kale waxay ku lumisay oo la bur-buriyay qaar kamid ah saldhigyo iyo keydadkii ugu muhiimsana ee hubka iyo qaraxyada, waana weysaa cid kasta oo taageertaa dowladda ha ku jirto ama yeysan ku jirine.

Kullane iyo kuwa badan oo laabta kala jiraana ay aad uga xanuun sanaya xaaladda ay hadda ku sugan yihiin khawaarijta oo habeenba god u hoyda, laba reer baadiyey isu ekeysiiyey wax aan ahaynna aysan ku socon karin. Kullane oo Taliye xigeen ah ayey Xamar isla joogeen Khawaarijta, shacabkana ku dhibaateyn jireen.

Dowladda gaar ahaan, hay’adda uu k atirsan ee golaha shacbiga waxaa looga fadhiyaa inay tallaabo ka qaado xildhibaankan haddii kale waxay ka mid noqonayaan kuwa kaalmeeya Khawaarijta, waayo maalin walba wiil iyo gabar da’ayar ayaa nooga dhinta namana qabato in dowladda barked waliba golaha sharcidejinta dalka inay khawaarij ama khawaarij kalkaal ku jiri karaan kuna badbaadaan.

Guddiga anshaxa waa inay u yeeraan xildhibaankan, xasaanadda ka qaadaan, kadibna maxkamadaha dalka la horgeeyo waayo akhriste aniga iyo adiga haddii aan hadalka dheerrigelinta ah shabaab u sameyn lahayn waa nala maxkamadeyn lahaa, Xil. Kullane waa in sharciga la marsiiyaa.