Xil-Jeesoow”waxyaabaha BFS ka dhacay Mas’uuliyad ayeey yeelanayaan mana ka aamuseeyno”

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa eedeen culus u jeediyay Guddoonka Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Jeesow oo Hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddoonka uu shalay afduubtay ajendihii kulanka,islamarkaana uu qaadan doono wixii shalay ka dhacay xarunta Golaha shacabka.

Sidoo kale waxa uu sheegay Xildhibaan Jeesow in kulankii shalay uu ahaa in wasiiradda iyo Taliyayaasha Ciidamadda Dowladda ay warbixin siiyaan Baarlamaanka,balse wax walba Guddoonka isdaba mariyay gaar ahaan Gudoomiye Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay Magaaladda muqdisho ku yeeshay kulan natiijo la’an kusoo dhamaaday,waxaana ajendaha kulanka uu ahaa ka doodista amaanka qaranka.