Xil. Daahir Amin Jeesow ayaa wada Olole uu Farmajo Xilka uga Qaadayo.

Reading Time: 1 minute

Waxaa socda warar sheegaya in Xildhibaan Dahir Amiin Jeesow uu wado olole xilka looga qaadayo Farmajo kadib markii uu Farmajo ka noqday muddo kororsigii loogu been guurayey doorasho qof iyo cod ah.

Kulan gaar oo loo qabanqaabiyey kooxda igu shubo ayaa waxaa uu ka sheegay xildhibaan Jeesow in ay xilka ka qaadi doonaan Farmajo (Wolow aysanba ogeyn in xilkaasu mar hore lumay) oo ay soo golejoojin (Impeachment) doonaan Farmajo haddii ka hor yimaado doorashada qof iyo cod.

Cali Maxamed Geedi, Jeesow, Xundubey, Cumar Finish, Luul Tahliil, Khadijo IlkaCas, Cabdullahi sheekh Xasan iyo kuwa badan oo ay Somalida u taqaanno kooxda igu shubo ayaa waxaa uu Jeeseow ka shor heegay hadalkan inay Farmajo xilka ka qaadayaan haddii ku noqdo Tendhadii uu ka soo carooday sidii cunug yar iyo ama heshiiskii September 17, 2020.

Kooxdaan oo ay gadaal kaga naban yihiin koox wadaaddo wahaabiyiin ah sida Cali Wajiis iyo Bashiir Salad oo iyaga fadwo saara falkii uu rabo Farmajo maadaama ay qabaan in la raaco madaxda iyadoon loo eegin xumaan iyo samaan waxay falayaan. Dib u fiiri dalalka ay ka soo jeedaan.

Haddaba dadka noocan, gaar ahaan xildhibaannada calooshood u shaqeystayaasha ee aan cidna kala jecleyn kuwaas oo badan kooda ku yimid qaabka 4.5. Intooda badan waxay kolba u codeeyaan meeshii ay qadada ka helayaan maadaama aysan jirin beel weyn oo ku qabsaneysa sida haddaba loogu dhegganaa Qoorqoor iyo Guudlaawe.

Isku soo duub Jeesow waxaa laga sugayaa inuu Farmajo soo golejoojiyo, waxaana ku tageersan go’aankaas kooxda igu shubo oo isleh meel uun ka soo gala hannaanka doorashada. Xil. Jeesow ayaa ragganima leh u sheegay inay ciqaabi doonaan la soo golejoojin doono si loogu qaado ku noqoshadii uu ku noqday Sept.17 heshiiskeedii, haddii kale waxaa uu hadalkaas marada dadnimo uga dhaceysaa Xil. Jeesow kaas oo noqonaya waayeel Neef xagga dambe ka fakatay.