Xil. Cosoble “Dowlad xoog kuma adkaan karto ee sharci ayey ku adkaan kartaa”

Reading Time: < 1 minute[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=uovXZc03xcM[/embedyt]

Hogaamiyaha xisbiga cusub ee Ileys Xil. Cabdulqaadir Cosoble ayaa muujiyey karti iyo aragti kadib markii u fagaare ka sheegay khaladaadka ay dawladdaan ku kaceysay illa intii la soo dhisay.

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=_N1G5-WCyao[/embedyt]

Xildhibaan Cosoble waxaa uu yiri dawlada dalka waddo khalad ah ayey ku wadaa waxaanu ka hadlay:

1-Heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee lagu fogeeyey Jibuuti iyo cawaaqib xumamda uu keeni karo.

2-Burburinta Maamul Goboleedyada iyo Weerarada lagu qaaday siyaasiyiin ka feker duwanaaday dawladda.

3-Waxaa uu carabka ku dhuftay in shacabka Soomaaliyeed ee degan Muqdisho ay kacaan kana dhiidhiyaan hagardaamooyinka ay dowladda ku hayso shacabka Muqdisho.

Xildh. Cosoble aya sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka ay sameeyan mudaaharaadyo nabadeed, taasoo sababtay buu yiri sida foosha xun ee ay dowladda ula dhaqmeyso shacabka gobolka Banaadir oo la isugu daray canshuur xoog looga qaado, waddooyinka oo laga xirto iyo dilal joogta ah oo aanan waxba laga qaban.

[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=BnYA7hYkwTw[/embedyt]

 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!