Xil. Cabdishakur Cali Mire oo hub u diray Caabudwaaq (Sababta)

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo laga soo dooto Deegaanada Galmudug aayna isku beel yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maanta oo ay Taariikhdu aheyd 29 November 2018 hub iyo rasaas faro badan u direy Degamada Caabudwaaq iyo Balanbale ee Gobalka Galgudud oo ay socdaan dagaalo u dhaxeeya beelo walaalo ah.

Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire oo ka mid ah dadka aadka ugu dhow dhow Madaxweyne Farmaajo ayaa noqdey qofkii ugu horeeyey ee ku kaca falkan foosha xun ee lagu hurinaayo colaada dhex taala Beelaha Walalaha ah ee wada dega Galmudug.

Waxaa MOL loo xaqiijiyey in Xildhibaan ku uu diyaarad u rarey hub iyo rasaas tiro ahaan gaaraya, 48 sanduuq oo rasaas ah, 23 PKM, 8 RPG7 94 AK47 ah.

Hubkan uu Xildhibaanku u direy Galmudug gaar ahaan Degamada Caabudwaaq ayaa la rumeysan yahay in laga soo saarey bakhaarada hubka ee Dowladda Federaalka ah ee ku yaala Muqdisho iasago gacan helaayo Fahad Yasin oo ay saxib dhow yihiin.

Xildhibaan Cabdishakuur Mire ayaa ah nin si aad ah ugu lug leh Dhibaatooyin badan oo ka dhacay dalka sida dhaqida lacagaha madow ee loo yaqaano (black dollar) dhoofinta iyo soo gelinta Daroogada ama maandooriyaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegey in Xildhibaan Cabdishakuur Mire uu si aad ah uu raali uga yahay maadaama ay Qaraabo yihiin.