Xil. Cabdi Shire oo taladii ugu fiicnayd siisay Farmaajo! Muxuu yiri?

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac oo ah fanaan iyo hal abuure  isla markana ka mid ah xubnaha ugu firfircoon baarlamaanka Soomaaliyaa ayaa murti kooban oo uu tiriyay uga hadlay fashilka amni ee xilligan ka jira guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho, isagoo dhaliil u jeediyay Madaxwyne Farmaajo.

Cabdi Shire  oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in madaxda dalka ay wajahaan culeyso fara badan, balse ay mas’uul ka yihiin inay la yimaadaan qorsho dhinaca amniga ah, si loo badbaadiyo dhiigga shacabka.

Abwaanka ayaa kula taliyay Farmaajo in uu Xasan Kheyre iska ceyriyo si uu isaga isku badbaadiyo dalkana loo badbaadiyo. Waxa uu sheegay in dalku u baahan yahy qorsho iyo dhig cusub. Waxa kaloo sheegay in uusan Xasan Kheure si qaas ah u necbayn laakiin dalka xaalada uu ku jiro u baahan yahay hogaan cusub.

Dhanka kale, Xildhibaanka ayaa sheegay in madaxda dalka ugu sarreysa ay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sugidda amniga dalka, maadaama ay yihiin kuwa ugu sarreeya hoggaanka cidamada gaar ahaan madaxweynaha Somalia.

“Madaxweynuhu isaga ayaa ugu sarreeya ciidamada, waxaana filayaa inay la gudboon tahay inuu la yimaado isbeddel muuqda, waayo qaraxii dhawaan ka dhacay xarunta gobolka Banaadir ma ahayn mid iska yimid, waana in baaris dheeraad ah lagu sameeyo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Xildhibaanka ayaa si adag uga hadlay qaraxii xarunta maamulka Dowladda Hoose ee Xamar, isagoo sheegay in inta aan Villa Somalia falal amni-darro ka dhicin la beddelo golaha xukuumadda Somalia.

Dad badan ayaa isweydiinaya in Farmaajo xur u yahay aragtidiisa, Dowlada Farmaajo waxaa iska leh Milkiile Fahad Yasin iyo ninka u adeega oo ah Xasan Kheyre mana muuqato aragti Farmaajo ku dhaqan galin karo talada Abwaan Cabdi Shire