Xijaarkii Rooble sheegay inuu shaqada ka ceyriyo oo awoodiisii sare u sii kacday

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo horay uu RW Rooble  iyo wasiirkiisa amniga u sheegeen inay ceyriyeen ayaa waxa uu xamr ka wadaa dhoolatus awodeed, isaga oo aan wax amar ah ka qaadan Rooble iyo Wasiiradiisa.

Xijaar ayaa sheegay inay ciiddanka Booliiska labo jibaarayaan amniga magaalada Muqdisho gaar ahaan maalmaha ciidda si looga hortago in Alshabaab falal amni darro ka geystaan.

Taliyaha oo shir guddoominayay kulan amniga dalka looga hadlayay ayaa sheegay in sannadkii hore xilligan oo kale la dilay saraakiil badan oo katirsan ciiddanka booliiska, kuwaas oo ku geeriyooday weeraro ka dhacay magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciiddanka booliiska waxa uu sheegay in loo baahan yahay in culays badan la saaro sugida amniga doorashada iyo saxmadda Ciidda, isagoo sheegay in kooxaha kasoo horjeeda dowladda ay mar kasta isku dayayaan inay amniga fashiliyaan.

Sareeyo gaas xijaar waxa uu farriin u diray ciidamada kala duwan ee dowladda, isagoo ku baraarujiyay in amniga laga shaqeeyo islamarkaana ay si nabad kusoo gabagaboobaan doorashooyinka dalka.