Xiisadii u dhaxeysay ciidamada DFS & kuwa C/rashiid Janan oo xal laga gaaray

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya degmada Doolow ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka ee degmadaas ay ku guuleysteen inay xal ka garaan xiisaddii u dhaxeysay ciidamada dowladda iyo kuwa  wasiirkii hore ee amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Warka ayaa intaa ku daray in Wada-hadallo saacado badan qaatay kadib ayaa odayaasha waxaa ay dowladda ku warejiyeen dhamaan gadiidka dagaal ee gacantooda ku jiray ciidamadaasi, iyaga oo dowladda ka codsaday in dhamaan xaquuqaha ka maqan ciidamadaasi loo dhameystiro.

Ciidamada DFS iyo kuwa  wasiirkii hore ee amniga Jubbaland ayaa kamida ah ciidamada ka howlgala degmada Doolow ee gobolka Gedo, muddooyinkii dambe waxaa taagnaa cabsi xooggan oo ka jirtay degmadaasi oo u dhaxeysay labadan ciidan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!