Xiisadda Diblomaasi ee u dhexeysa Kenya iyo Somalia oo lagu eedeeyay Farmaajo

Reading Time: < 1 minute

Xiisadda Diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Somaaliya iyo Kenya ayaa saameyn xoog leh ku yeelatay muwaadiniinta labada dal taasoo saameysay dhaqaalaha Ganacsato badan oo isugu jira Somali & Kenyan.

Xiisada labada dal aad ayey usii xumaatay kadib markii todobaadkii hore ay dowladda Soomaaliya u yeertay safiirkii u fadhiyay dalka Kenya, waxaana xigay in midka Kenya u fadhiyay Muqdisho ay ku amartay inuu tashi ugu laabto dalkiisa.

Horaantii sanadkaan dowladda Soomaaliya waxey joojinta khaadka sabab uga dhigtay jiritaanka xanuunka COVID19, balse waxaad moodaa in bilooyinkii ugu dambeeyay ay soo baxday iney arintu ka weyn tahay maadaama khaad laga keeno dalka Itoobiya la geeyo magaalooyin ka tirsan Soomaaliya.

RW Itoobiya ayaa lagu wadaa in uu maalinta Arbacada ah uu yimaado dalka Kenya, isagoo ka qeyb galaya furitaanka xuduudda Kenya & Ethiopia ee Mooyaale. Sida aay sheegeen saxaafadda Kenya, waxaa ajandaha wadahadalada lagu wadaa in lagu soo qaado xiriirka sii xumaaday ee Somalia & Kenya, kaddib markii uu MW Farmaajo ka baxay heshiis dhex maray isaga & Uhuru Kenyatta oo uu garwadeen ka ahaa RW Itoobiya.