Xiisada Tukaraq oo Kacsan iyo Abaabul Xoogan oo Halkasi Ka Wadan Labada Maamul

Reading Time: < 1 minute

Gurmadyo xoogan oo ka kala tagaya magaalooyin kala duwan aya gaaraya jiidaha hore ee Dagaalka deegaanka Tukaraq ay ku dagaalamayaan Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland.

Sida aan Wararka ku heleyno ciidamo aad u badan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray deegaanka Tukaraq , waxaa sidoo kale aagaasi gaaray dad sahay kala duwan u wada ciidamada dagaalamaya.

Dagaalkii shalay ilaa xalay ka socday deegaanka Tukaraq waxaa ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaa sidoo kale labada ciidan kala qabsadeen gaadiid dagaal.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay labada maamul in si deg deg ah u joojiyaan dagaalka, mana muuqato hada dadaalo badan oo lagu joojinayo dagaalka u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.