Xiisada Tukaraq ee Somaliland Iyo Puntland oo Weli Ka Taagan Gobolka Sool

Reading Time: < 1 minute

Xiisad dagaal oo u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland  ayaa weli ka taagan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Puntland ayaa ciidamo badan oo wato gaadiidka dagaalka waxay ku daabuleysaa deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, Somaliland ayaa dhankeeda ciidamo ku soo daabuleysa isla deeganka.

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland Daahir Salaad Canshuur ayaa sheegay in gobolka Sool uu galay xaalad dagaal ka dib markii Somaliland ay qabsatay deegaanka Tuka-raqay oo haatan ay ku suganyihiin.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in waxgaradka deegaanka Sool nabadoonnada iyo shacabka Tukaraq ay diideen ciidamada Somaliland hadana uu barakac xoogan uu ka bilowday halkaasi.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa ciidamada Puntland oo watay gaadiidka dagaalka waxay ku sii qul-qulayeen deegaanka Tuka-raqay oo ay qabsatay Somaliland.