Xiisada Masar iyo Itoobiya oo cirka isku shareertay, iyo digniin Itoobiya loo diray

Reading Time: < 1 minute

Dowladda Masar ayaa ku eedeysay Itoobiya inay jabisay sharciga caalamiga ah ka dib markii ay heshay ogeysiis sheegaya in dowladda Itoobiya ay billowday wareeggi labad ee buuxinta biya xireenka wabiga Nile.

Itoobiya ayaa dalalka Suudaan iyo Masar waxay ku wargelisay geeddi socodka buuxinta labaad ee biya xireenkaasi.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysaa xilli uu golaha amaanka ee qaramada midoobay uu khamiista bari ah u ballansan yahay inuu arrinta biyo xireenka kulan ka yeesho.

Dowladda Masar ayaa ciidankeeda gelisay heegan buuxa iyadoo laga cabsi qabo in aay Masar weerarto Itoobiya, haddii aanay Itoobiya joojin buuxinta biyo xireenka GERD.